Dawlada Soomaaliya ayaa qirtay in Khilaaf diblomaasiyadeed uu in muddo ah ka dhex jiray Waddamada Soomaaliya iyo Imaaraat-ka Carabta.

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin dhameynta Xiisada ka dhex jirtay labada waddan.

Wasiirka oo Wareysi uu siiyey Wargeyska Sharqal Awsad ayaa sheegay in Dawlado Xiriir la leh Labadeena Dal ay isku howleen is faham darida in la dhameeyo.

“Soomaaliya iyo UAE waxa uu xiriirkooda muddo ahaa mid aad uhormarsan,ma ilaawi doono is garabtaagooda muuqda ay Soomaaliya usameeyeen,waa run is faham waa in bilihii dambe uu jiray balse hadda in xal laga gaaro ayaan rajeyneynaa ayuu yiri Wasiir Cawad”.

Wasiirka Khaarajiga Soomaaliya Axmed Cawad ayaa hadalkiisa intaas ku daray “Waxa Na kulmiyo ayaa ka weyn waxa kala geeya”.

Xukuumada Soomaaliya ayaa bayaamisey markii ugu horeysay Dalka ugu badan Ee Taageerada ka hesho tan iyo 1960-kii Xornimadii Soomaaliya,dalkaas ayuuna Wasiir Cawad ku sheegay boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Muddooyinkii dambe waxaa xurguf dhanka diblomaasiyada ah ay ka dhex jirtay Dalalka Soomaaliya iyo Imaaraat-ka Carabta inkastoo isku soo dhawaanshiyo hadda la dareemayo.