
Wararka aan ka heleyno magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas wali uu kulamo uga soconayo madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland,kaas oo ay kaga arinsanayaan xaaladda guud ee dalka.
Wararka oo qaar oo aan heleyno ayaa sheegaya in Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Madoobe ay isla garteen iney hakiyaan xiriirkii kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka ilaa iyo inta si rasmi ah xal looga gaarayo khilaafka ka dhaxeeyo.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa maalmihii u dambeeyay ku kulansanaa magaalada Boosaaso,wuxuuna kulankooda daarnaa arrimo ay ka mid yihiin doorashada 2021 iyo awood qeybsiga Kheyraadka dalka oo uu muran badan uu ka taagan yahay.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa meesha ka saaray inaanay jiri karin cid cid kale awood u sheegan karta,balse muhiim tahay in la wada dhowro sharciga dalka u yaalo.
Khilaafka maamulada Puntland iyo Jubbaland kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka ayaa sii xoogeysanaya,iyadoo beesha caalamka ay ku baaqday in la xal kama dambeys ah laga gaaro khilaafka jira si loo sii amba qaado howlaha muhiimka ah ee Dowladda Horyaalo.