
Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa sababta Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu u joojiyay mashruuca dhismaha wadooyinka qaar ka mid ah magaalooyinka dalka,kaas oo shalay kala saxiixdeen Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha bulshadda qabsaday sababta looga tagay maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.
Amar kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaa la hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada Dowlad Goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo qaar kamid ah wasiirrada maaliyadda Dowlad Goboleedyada.
Amarka waxaa lagu sheegay in Dib u eegis ayaa lagu sameyn doonaa mashruuca, waxaana laga qeyb geli doonaa dhammaan dowlad goboleedyada.
Mashruucaan oo ay maalgelineyso Bankiga Aduunka ayaa ku kacaya 112 Milyan,waxaana loogu talagalay in lagu dhisno wadooyinka magaalooyinka Muqdisho,Baydhabo,Kismaayo iyo Garoowe,waxayna qeyb ka tahay hanaanka deyn cafinta Soomaaliya.