
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa looga yeeray Xarunta Xalane oo ah meesha kaliya ee fariisinka ugu weyn ay ku leeyihiin xubnaha Beesha caalamka ka jooga Soomaaliya.
Ilo wareedyo ku dhowr Mr. Mursal ayaa inoo sheegay in safiirada dalalka u fadhiya Soomaaliya ay u yeereen Mursal si ay kala hadlaan xaaladda dalka iyo halka uu marayo geedi socodka doorashooyinka dalka ee la filayo iney dalka ka dhacaan 2021 oo fooda nagu soo heyso.
Wararka ayaa intaas ku daraya in guddoomiye Mursal uu maanta tagayo Xalane si uu kulan ula soo qaato Wakiilada Beesha caalamka ee Soomaaliya.
Xubnaha Beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Federaalka ku dardar gelinaya qabsoomida doorashada 2021 iyo iney waqtigeeda ku dhacdo.
Golaha Shacabka ayaa ansixiyay sharciga doorashooyinka dalka,wuxuuna hadda horyaalaa Golaha Aqalka sare oo waajibaadkooda ka gudanaya.