Wararka naga soo gaarayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in isku day dil ah uu ka badbaaday taliyihii hore ee Hay’adda NISA Generaal Cabdiraxmaan Maxamed Tuur yare oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Galmudug.

Sida wararka aanu ku helnay, Taliyihii hore ee NISA General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare “Cumda” oo xalay magaalada dhuusamareeb kusoo bandhigayay qorshiisa doorashada ayaa hoolkii ay ka socotay xafladiisa waxa dhexgalay rag Bastoolado ku hubeysan oo damacsana sida lasheegay in ay Generaalka qaarijiyaan .

Sidokale waxa la sheegay in banaanka Hoolka lagu qabtay rag kale oo iyagana wata qoryaha AK47ka loo yaqaan oo caawinayay kuwa bastooladaha wata balse dhammaabtood ayaa la qabtay, sida wararka nagu soo gaarayaan.

Raga bastooladaha watay ayaa la tilmaamay inta anan la qaban ka hor in ay bastooladaha ku qabteen qaar ka mid ah Xildhibaanadii xafladda ka soo qayb galay qaarkood balse aysan wax dhibaato ah gaarsiinin.

Qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Galmudug ayaa dareemaya dareen amni oo cabsi leh ka dib markii Dowladda Federaalka xil iska saari weysay ilaalinta amniga musharaxiinta madaxweynaha.