lo xog ogaal ah oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Fanaan Abshir Gaarane Axmed oo gacanta ugu jira Laamaha ammaanka Dowladda laga saaray Xabsiga Nabad Sugida ee Habar-kahadiijo,halkaas oo maalmihii u dambeeyay lagu hayay.

Fanaanka oo lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab una qaabilsanaa xuuraansiga iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa loo wareejiyay Xabsi ku yaalo Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho,halkaas oo si weyn loogu ilaalinayo.

Lama oga sababta eedeysane Abshir Gaarane Axmed looga saaray xabsiga Habar-khadiijo oo ay gacanta ku hayaan ciidanka Nabad sugida,balse warar hoose oo aan heleyno ayaa ku waramaya in laga cabsi iney Al-Shabaab la baxaan fanaanka.

Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsanaa kooxda Fanka ee gobolka Banaadir ayaa habeeno ka hor lagu soo qabtay howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka NISA,kaas oo ka dhacay degmada Warta Nabada ee gobolka Banaadir.

Dhanka kale, war ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu beeniyay warka ka soo baxay Hay’adda NISA kaas oo ku aadan in Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan Fanaaniinta da’da yar ee gobolka Banaadir uu xiriir la leeyahay Al-Shabaab.

[youtube https://www.youtube.com/watch?v=7XYdRFNFYAU?start=629&feature=oembed&w=696&h=392]