Xildhibaan Axmed Macalin fiqi Oo ka mid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu kusugan yahay Dhuuso mareeb.

Waxa uu sheeko kooban kusoo koobay Xaalka ka jira Dhuuso mareeb iyo sida ay uculus tahay in la is arko.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in dadka la dul dhigay lacago oo codkooda la iibsaday gaar ahaan Xildhibaanada si maldahan ayuu usheegay in lacag waali ah Magaalada lasoo geliyey.

Fiqi oo sii hadlayey ayaa shaaca ka dhigay in xitaa dadka kafiil laga noqday oo ay Xildhibaanada urahman yihiin Codkoodana mar hore la iibsaday oo in lala kulmo xitaa la diidayo.