
Sida ka muuqato Doorashada Galmudug ayaa dhowr firqo sii noqoneysa,iyadoo Khilaaf cusub uu soo shaac baxayo.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa Shir deg deg ah iskugu yeeray Xildhibaanada iyadoo Kulankaasi uu aheyn mid lasii qorsheeyey.
Gacal ayaa kulanka waxa uu ku sheegay in looga hadlayo Ansaxinta Jadwalka Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Ee maanta la shaaciyey.
62 Xildhibaan ayaa kulanka kusugneyd,iyadoo 20-kii Xildhibaan Ee Ahlusuna aysan ka qeyb gelin shirkaasi iyo kii ka horeeyey Ee Gudiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka lagu doortay.
Waxayna Baarlamaanka Labaad Ee Galmudug Shan cisho isagoo jirin hadda uu lugaha la galay Buuq siyaasadeed oo dib udhac kale abuuri karta.