Amar ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale ayaa lagu xiray xarunta dowladda hoose Baladweyne,sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaalada Baladweyne.

Mas’uuliyin ka tirsan Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Gudoomiye Caraale uu fulinayo Amar horey u soo saareen guddiga arimaha gudaha iyo amniga xildhibaanada Hir-Shabeelle.

Sababaha ugu weyn ee loo xirey Xarunta Dowladda Hoose e Baladweyne ayaa la xaqiijiyey inay tahay,kadib kormeer ay sameeyaan guddiga arimaha gudaha iyo amniga xildhibaanada Hir-Shabelle taasoo la xiriirta qeybaha dhaqaalaha lagu qaado adeegyada kala duwan ee ay bulshada u doontaan dowlada hoose.

Mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan ayaa inta badan lala xiriiriyaa iney sameeyaan masuq maasuq baahsan oo saameyn ku yeeshay howlaha maamulka iyo habsami u socodkiisa.