Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in goordhaw magaaladaasi lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa kana Mid ah dhalinyarada sida wayn looga yaqaanay degmadaasi.

Wiilkaan oo magaciisa lagu sheegay Cabdisalaan Maxamed Macalin ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan qaabka uu u dhacay dilkiisa.

Dhalinyarada taqaanay oo qoorkood Badweyn la hadleen ayaa u sheegay in wiilkaan Xaaskiisu dishay ka dib muran soo kala dhexgalay.

Wiilkaan ayaa Abbe u ahaa sida ay Badweyn u sheegeen dhalinyarada taqaanay, 9 Caruur ah, isla markaana Xaaskiida dilka u gaysatay ay u dhashay.

Ciidamo ka tirsan kuwa nabad galyada ayaa goobta gaaray waxaana waxa ayna halkaasi ka bilaabeen howlgalo la xariira qaabka uu dilku dhacay iyo Waxa sababay.

Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose iyo kan degmada Afgooye oo ay Badweyn  la xariirtay ayaan u suurta galin ay qadka taleefonka u hesho,si waxbadan looga ogaado waxa keenay dhimashada wiilkaan dhalinyarada ah.