Lataliyaha sare ee dhanka Saxaafadda Xasan Cabduqaadir Muudey ayaa eed kulul ujeediyay labada wasiir, waxa uuna madaxda sare ugu baaqay in baaritaan lagu sameeyo cadaawadda ay kula kacaan maamul goboleedyada dalka.

Waxa uuna uqornaa qoraalka uu ku soo daaabacay bartiisa facbooka sidaan:-

●Wasiirka Maaliyadda Beyle wuxuu cadaalad darro badan kusameeyay inta uu xilka wasaaraddaasi haayay dowlad goboleedyada Hirshabelle State iyo Galmudug State.

Wuxuu si joogta ah Beeyle dadaal ugu bixiyay in uu hor istaag joogta ah ku sameeyo in labadaa maamul goboleed aysan gaarin xuquuqdii ay ku lahaayeen dowladda dhexe.

Beyle wuxuu kasoo jeedaa Boorame waligiina hal doollar kuma soo kordhin dowladda dhexe, mana qaadan karno nin halkuu kasoo jeeday aan tagi karin uu cansheerteena nagu dhibaateeyo.

Waxaa sidaa lamid ah Wasiirka Qorsheynta Jamaal oo ah shakhsi aad ugu dadaalay isagana in labada maamul goboleed ee Hirshabelle iyo Galmudug la duudsiiyo xuquuqda kasoo gaarta dowladda dhexe.

Wasiir Jamaal isagana waa shakshi aan hal doollar ka keeni karin deegaannada uu kasoo jeedo, wuxuuna rabaa in uu markasta canshuurteena isagoo kunool uu na dareensiiyo colaad kusalaysan cadaalad darro noo gaar ah.

Ma’ahan wax la aqbali karo in shakhsiyaad aanan tagi karin halkii ay kasoo jeedeen ay carqalad joogta ah kunoqdaan wixii aan xaqqa u laheyn.

Waxaan mas’uuliyiinta dowladda usoo jeedinaynaa in labaaro labadaa wasiir caqabadaha ay ku haaayaan dowlad goboleedyada Hirshabelle State iyo Galmudug State.

Mahadsanidiin !
Hassan Abdulkhader Mudey
#HirshabelleStateOfSomalia