Wararkii ugu danbeeyay qarax xalay kadhacay Kismaayo iyo howl galo xoogan oo saake socda

Weerarkaan oo ahaa mid Bambaano ayaa waxaa xalay lagu qaadey Goob Ganacsi o ku taalla isgoyska Golol kuna dhow aargada magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in weerarkas ay ku geeriyoodeen laba Ruux halka 13 kale ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo la dhigey Isbitaalka Magaalada Kismaayo.

Weli majirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas,hayeeshee tira laba jeer oo hore ayaa sidaan oo kale waxaa Goobtaasi Ganacsi loogu qaadey weerar bambaano sida ay sheegeen dad ku sugan Kisaayo.

Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo saaka ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan howlgallo kala duwan oo ay sameynayaan Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Jubbaland oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey weerarkaas.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay kamid tahay deegaannada ugu amniga wanaagsan Gobolka Jubbada Hoose,waxaana si KMG ah ugu Shaqeeya Madaxda Jubbaland.


Posted

in

by

Tags:

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *