1- Kuwa diidan doorasho furan (direct vote ) waa kuwa haaysta xilka dowladeed aysan u qalmin oo ku yimid laaluusha, musuq iyo oday dhaqameed.
2- Waa kuwa diidan isbadal oo doonaayo inay dalka ku sii haaystaan af-duub siyaasadeed.
3- Waa kuwa aan haaysan kalsoonidda shacabka oo ogsoon inay ka baxayaan Masraxa siyaasadeed hadii shacabka ay helaan awood ay hogaanka dalkooda ku doortaan.
4- Waa kuwa aan sharaf u haaynin ku dhaqanka sharciga iyo dastuurka dalka ee ku cad inuu dalka Soomaaliya ku dhisan yahay nidaam xisbiyo badan iyo doorasho qof iyo cod.
5- Waa Dowladaha shisheeye ee xoogaa shilimaad ku iibsado hogaanka dalka, waayo shacabka Soomaaliyeed laaluush lama wado gaarsiin karo oo waxay doorbodiyaan baarlamaan ku yimaada si dad’ban iyo oday dhaqameed.
YAY DAN U TAHAY DOORASHO FURAN:
1- Waxay dan u tahay dalka Soomaaliya inuu helo hogaan iyo xubno baarlamaan oo aqoon leh oo haaysta kalsoonidda shacabkiisa.
2- Waxay dan u tahay dhalinta aanan haaysan lacag ay kaga iibsadaan hogaan dhaqameed xil dowladeed.
3- Waxay dan u tahay dumarka Soomaaliyeed inay oo codkooda qarsoon uu dib u soo muuqdo.
4- Waxay dan u tahay dadkeena la heeb SOOCO in awoodooda cod bixin la ogaado, tasoo wax badan ka badali karta hab dhaqanka siyaasadeed ee hada jira.
5- Doorasho furan waa mida kaliya ee looga gudbi karo qabiilka, nabad la’aanta, waxay dalka Soomaaliya gaarsiineeysaa hurumar dhaqaale, nabad iyo xasilooni.
6- Waxay dan u tahay Xisbiyadda Siyaasadeed ee dalkeena ka sharciyeeysan.
7- Waxay dan u tahay aniga iyo inta ila mid ah inaan dadkeena iyo degaankooda aan waxka doonanano anagoo ka madax banaan Siyaasi iyo hogaan dhaqameed.
Waxaan halkaan ugu mahad celinayaa beesha caalamka oo maanta ka go’aan ah inaysan dhaqaale iyo aqoonsiba aysan siineeynin doorasho aan ahayn mid furan.
Wa bilaahi towfiiq
Sheiknor Qassim