30/7/2020, waxaa la shaaciyey in Xukumadda golaha shacabka kala laabteen kalsoonida ay magacawday 5 Xubnood oo ka mid noqon doono Xubnaha Golaha adeegga garsoorka, magacaabistaas ayaa lagu tilmaamay mid baalmarsan Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka sida ku cad bayaano ay soo saareen Ururka Qareenada Soomaaliyeed, Ururada Bulshada rayidka iyo Xisbiga siyaasiga ah ee Wadajir.
Ururka Qareenada Soomaaliyeed ayaa qoraal ay soo seereen waxa ay ku sheegeen in talaabada ay qaadeen Xukumada ku meel gaar ah ay tahay mid aan laga fiirsan,sidoo kale baal marsan shuruucda ku meel gaar ah ee dalka.
Abuukaate Daahir Maxamed Cali Daahir Carab, xoghayaha guud ee Ururka Qareenadda Soomaaliyeed oo qoraal soosaarey ayaa sheegay in magacaabidaan ay baalmarsan tahay dastuurka iyo shuruucda waddanka.
Sidda laga soo xigtay Mr Carab, xulashadan ayaa dhinacmarsan qodobka 109aad ee dastuurka gaar ahaan farqadda labaad. Sidoo kale, qodobka 6aad, farqada labaad, xarafka E ee sharciga dhisidda Golaha Garsoorka “Sidaa awgeed, waxaan labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka ka rajaynaynaa in aysan aqbalin sharci darro,” ayuu raaciyey, isagoo caddeeyay in ay dhankooda qaadayaan talaabo kasta oo lagu hor istaagayo arrintaan.
Dhanka kale, war-saxaafadeed Wadajir ah oo kasoo baxay Ururada Bulshadda Rayidka Soomaaliyeed oo lagu diidey magacaabidaas ayaa lagu cuskaday in xukuumadda xilka sii haysa aysan lahayn awood sharciyeed.
“Xukuumadda dhacday waxay fulin kartaa shaqo maalmeedka dowladda, balse awood uma laha magacaabid jagooyin waaweyn sidda xubnaha maamulka Golaha Adeega Garsoorka iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka oo nuqul kamid ah loo diray Saaxiibadda Caalamka.
War Saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Wadajir ayaa sharci darro ku tilmaamay in xubno ka mid ah Xukuumaddii dhacday ay ansixiyeen Golaha Adeegga Garsoorka oo Khamiistii ay meel mariiyeen Golaha Wasiiraddii ee xilka sii haya.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa tilmaamay in markii ugu horeysay ay tahay in xukuumad la kala diray ay magacowdo guddiyo masiiri ah.
Xil kaqaadista Xasan Cali kheyre ee 25 July ayaa waxaa ka dhashay fal-celino kala duwan oo gudaha iyo dibadda ah.
Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay qaabka ay u dhacday xil ka qaadista Xasan Cali Kheyre, waxaana war-bixin qoraal ah oo ka soo baxday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay ka xun tahay ficilladii madaxweynaha iyo aqalka hoose ee baarlamaanka ee ay kalsoonida kagala noqdeen xukuumadda, taa oo la sheegay in ay xagal daacineyso geedi socodka wadahadallada iyo wada xaajoodyada u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada hase yeeshee Xasan Cali kheyre ayaa isaga dhankiisa sheegay inuu xilkii iska casilay isagoo u turaya dalka iyo dadka Soomaaliyeed.