Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo ka qeyb galay kulankii madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada shalay ku dhex maray khadka Internet-ka ayaa ka gaabsaday inuu wax go’aan ah ku darsado wadahadalkii laga yeeshay xaaladda dalka iyo arrimaha Doorashada.
Siciid C/llaahi Deni ayaa la sheegay inuu kulanka ka sheegay in mowqifkiisa iyo fekerka uu qabo kusoo bandhigi doono kulanka fool-ka-foolka ah ee la filayo inuu dhex maro labada madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, kaasoo laga sugayo inuu shaaciyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa soo jeediyey in shirka soo socda lagu qabto magaalada Garowe, taasoo aan la isku raacin, laakiin madaxweynayaasha kale ayaa dalbaday in la joojiyo dooda ka socota Baarlamaanka federaalka ee xeerarka Doorashada, taasoo loo xil saaray Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Deni ayaa madaxda maamul Goboleedyada kale ku raacay Dalabka ah in la joojiyo dooda xeerarka Doorashooyinka ee Baarlamaanka Federaalka inta heshiis laga gaarayo qaabka Doorashada oo ay isaga imaanayaan inta ay quseyso.
Puntland ayaa hore u shaacisay inay waxba ka quseyn doorashada Soomaaliya wax talo ahna aan laga siin, iyadoo ku baaqday in ka hor 25 June shir isugu yimaadaan dowlada Federaalka iyo maamul Goboleedyada, waxayna taageertay baaqii Aqalka Sare.