Yaa bedelaya guddoomiye Cabdi Xaashi?.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa hor istaagtay qorshe mar kale ku soo laaban lahaa madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen,waxaana loo diiday inuu tartamo doorashada soo socota.
Cali Guudlaawe oo ku suntan masuq maasu,eex iyo nin jecleysi ayaa ku fashilmay hoggaanka mudada afarta sano ah uu xafiiska joogay,waxaana hadda socda abaabul ka dhan ah hankiisa maamul ee markale ku hanaan lahaa Hirshabeelle.
Ilo xog ogaal ah oo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa Shabakadda Badweyn u xaqiijiyay in Cali Guudlaawe oo kulan gaar ah la yeeshay madaxweyne Farmaajo lagu qanciyay inuu isaga haro doorashada,islamarkaana qeyb ka noqdo mas’uuliyiinta sanadkan loo wado iney ka mid noqdaan Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxweyne farmaajo ayaa u sheegay Cali Guudlaawe in Madaxda Hirshabeelle ay ku fashilmeen howlihii dadweyne ee loo igmaday,islamarkaana haadaan ka tuureen heykalkii maamulka Hirshabeelle oo dhaqaalihii yaraa ee soo galay jeebka shaqsiyaad gaar ah ay ku dhaceen.
Madaxweyne Waare oo cod qarsoodi ah laga duubay ayaa qirtay inuu ku fashilmay hoggaaminta maamulka Hirshabeelle,islamarkaana ay lugaha ay qabteen dad isaga ku beel ah oo gudaha iyo dibadda maamulka jooga.
Maamulka Hirshabeelle ayaa hadda waxaa ku soo fool leh doorasho,taas oo suurtagal ay tahay iney ka soo muuqdaan wajiyaal cusub oo Muqdisho laga soo diray.