Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre lagu qanciyay inuu xilka isaga dego si mucaaradka looga dhaadhiciyo mudo kororsiga Dowladda Federaalka ay ku taameyso.
Dowladda Qatar ayaa gadaal ka riixeyso qorshahan,waxaana Ra’iisal wasaare Kheyre oo mudo 10-cisho ah ku sugnaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalka qatar lagu guuleystay inuu qaado tallaabadaas,islamarkaana Xisbiyada mucaaradka loogu ogolaado iney keensadaan Ra’iisal wasaare mudada labada sano ah ee mudo kororsiga Xukuumadda sii hoggaamiya.
Ilo xog ogaal ah oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya, ayaa inoo xaqiijiyay in madaxweyne Farmaajo arrintaan ogol yahay,islamarkaana mudada mudo kororsiga ah uu rajeynayo inuu ka shaqeeyo sidii doorasho qof iyo cod ah kaga dhici lahayd dalka Soomaaliya 2021.
Siyaasiyiinta mucaaradka gaar ahaan madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka digay iney mudo kororsi sameyso xukuumadda,waxayna ku booriyeen iney doorashada waqtigeeda ku dhacdo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa wada qorshe uu kursiga ku sii joogayo wax ka badan mudo xilleedkiisa,waxaana arrintaas laga cabsi qabaa iney khatar amni dalka ay geliso.