Dowladda Jabuuti ayaa wado qorshe ay isugu soo dhoweyneyso qaar ka mid ah maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo hadda khilaafkooda meel xasaasi ah maraya.
Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka dalbaday madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni inuu aqbalo inuu wada hadal la furo Dowladda Federaalka si xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafka ragaadiyay labada dhinac.
Madaxweyne Deni ayaa u balan qaaday madaxweyne Geelle inoo u dhega nuglaan doono baaqiisa ku aadan inuu soo kala dhex galo isaga iyo Dowladda Dhexe,islamarkaana xal waara laga gaaro.
Madaxweynaha Puntland oo safar shaqo ku joogo magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti ayaa shalay la kulm ay madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geele oo ay ka wada hadleen Xaaladda guud ee Soomaaliya,xiriirka iskaashi ee Jabuuti iyo Puntland sida amniga,ganacsiga iyo horumarka.