Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan C/shakuur Warsame oo kulan gaar ah la qaatay Waxgaradka iyo siyaasiyiinta qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ayaa ka codsaday iney sanadkan lagu taageero sidii uu u gelin madaxtooyada Soomaaliya una noqon lahaa madaxweynaha xiga ee 4-sano ee soo socota.
Beelaha uu la kulmay Siyaasiga daqaraha badan ka soo gaaray Dowladda Federaalka ayaa waxaa ka mid ah Waxgararka iyo Siyaasiyiinta Beesha Mudulood oo uu ka dalbaday iney ku gacan siiyaan hamigiisa ku aadan helin xilka ugu sareeya dalka, sida aan xog gaar ah ku helnay.
Dadka qaar ayaa qaba in C/raxmaan C/shakuur uusan ka gadmeyn shacabka Soomaaliyeed, maadama laga diiwaan-geliyay hadalo qaarkood u muuqday kuwo gefka ku ah qayimka Bulshada iyo Diinta islaaamka,islamarkaana lagu suntay inuu qeyb ka ahaa raggii iibsaday Badda Soomaaliya.
Waxgaradkii uu la kulmay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa u balan qaaday iney la shaqeyn doonaan,islamarkaana kaalintooda uusan ku waayi doonin xilka uu raadinayo ee ah madaxweynaha ummadda Soomaaliyeed.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo lagu xanto inuu taageero dhaqaalo ka heysto isku taga Imaaraadka Carabta ayaa ah musharaxa kaliya ee gooni u taagan kaas oo aan ku lamaaneyn Xisbi kale sida Xisbiyada UPD iyo Himilo Qaran oo ay kala hoggaamiyaan Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif kuwaas oo ku mideysan Madasha Xisbiyada oo ka kooban lix Xisbi oo waaweyn.
Doorashada dalka oo muran badan uu ka taagan nooca ay noqoneysa ayaa hadda loo fadhiyaa sidii go’aan mideysan looga gaari lahaa in waqtigeeda ku dhacdo noqotana mid la wada ogol yahay.