Sida aan xogaha ku ogaanay Shir dhexmaray Mas’uuliyiin katirsan Dawlada Soomaaliya iyo Dawlad Gobolleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ayaa la sheegay in uu fashil kusoo dhamaaday.
Shirkaan ayaa dhacay Shalay oo Sabti aheyd iyadoo Laga arinsanayey Nuuca Doorashada Dalka ka dhaceysa iyo sida ay noqon doonto.
Barta Aalada Zoomga Internet-ka ayaana shirka la iskugu yimid,waxaana Jubbaland Kulankaasi kaga qeyb galay Wasiirka Madaxtooyada Xersi Gaani.
Waxaa loo ballamay oo ka qeyb galayaasha Shirkaasi ay isku arki doonaan Maanta oo Axad ah sida aan xogaha ugu dambeeya ku ogaanay.
Warar ayaa sheegaya in Dawlad Gobolleedyada ay salluugeen qaabka Doorashada loo wajahayo,xilli Marxalada kala guurka Dalka lugaha la galay oo Doorasho loo hanqal taagayo.