Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay duqeyn dhanka cirka ah oo shalay diyaaradaha Maraykanku ka fuliyeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, taasi oo la sheegay in lagu dilay maamulihii Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Jilib Maxamuud Xaaji Salaad.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in duqeyntii shalay laga fuliyay degmada Jilib uu qorshahu ahaa in lala bartilmaameedsado xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa Jillib sida uu hadalka u dhigay.
Ujeedka Duqaynta ay fuliyeen Ciidanka dowladda iyo diyaaradaha Taliska Mareykanka ee AFRICOM uusan aheyn in dad shacab ah lagu dilo,isla markaana markii howlgalada ay fuliyaan kadib ay sameeyaan baaritaano.
Maareeye oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladda aysan heyn war sugan oo ku aadan dilka maamulihii Shirkadda Hormuud, wuxuuna sheegay in xiriir la soo sameeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Hormuud, iyagoona u sheegay in Jilib looga dilay Mas’uul ka tirsanaa.
Afhayeenka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda iyo Taliska Mareykanka ee AFRICOM ay baaritaano dhab ah ku sameeyn doonaan wararka sheegaya in duqeyntii shalay ay fuliyeen lagu dilay maamulihii Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Degmada Jilib Maxamuud Xaaji Salaad.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa lagu shaaciyay in duqeynta ka dhacday Jilib lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo ku suganaa Jilib,hayeeshee waxaa soo baxay Warar sheegaya in duqayntaasi lagu dilay Madaxii shirkada Hormuud ee Degmada Jilib.