Wasiirka Waajibaadka Khaaska iyo Arrimaha Dolwadda ee dalka Nigeria, Senator George Akume waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu ka qeyb gelayey Munaasab Adeeg Mahadcelin oo loo sameeyey Xoghayaha Fulinta ee Gole Kirishtaan oo ka dhisan dalkaasi.
Wakaalladda Wararka Nigeria ee NAM waxay ka soo xigatay Wasiirkaasi inuu ka digay inay Nigeria la mdi noqoto Xaalladaha ka jira Somalia oo kale.
Waxa uu Welwel ka muujisay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo Nabadda Nigeria, wuxuuna hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in si aad ah loogu shaqeeyo.
Wasiirka Waajibaadka Khaaska iyo Arrimaha Dowladda ee dalka Nigeria, Senator George Akume oo horey u ahaa Guddoomiyaha Gobalka Benue ee dalkaasi muddadiiu dhexeysay sanadihii 1999-kii ilaa 2007-dii waxa uu Khudbadiisa Tusaale ugu soo qaatay dalkeena Somalia oo uu sheegay inay Khibrad muddo 30-sanno ah u u leeyihiin Colaadaha Hubeysan, waa sida uu hadalka u dhigay.
“Nigeria kama shaqeyn karto Midnimo iyo Nabad, waayo, Sharafta iyo Wadajirka dalkeenna waa la wiifay, Somalia waxay noqon doontaa Ciyaar Carruureed” ayuu yiri yiri Wasiirka Waajibaadka Khaaska iyo Arrimaha Dolwadda ee dalka Nigeria.
Waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in la xaliyo Dhibaatooyinka weli ka taagan Nigeria.
“Waan ogahay inuu Madaxweyne Muhamadu Buhaari wax badan oo fiican samaynayo, laakiisne weli waxaa jira Caqabado” ayuu yiri Wasiirka Waajibaadka Khaaska iyo Arrimaha Dowladda ee dalka Nigeria, Senator George Akume oo xusay walaaca xooggan ee Colaadaha ee ay Maleeshiyadda Boko Haram iyo Kooxaha kale ee Hubeysan ka wadaan dalkiisa.
Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horeysay oo Wasiir dowlad kale oo Afrikaan ah Tusaale xun u soo qaato Sumcadda dalkeenna Somalia ee haatan ka soo kabanaya Colaadihii Sokeeye, inkastoo uu dalka weli ku jiro Xaallad Qalalaaso Siyaasadeed iyo mid Amni.
Xigasho: Daily Post, Nigeria