Gaalkacyo:-Ciidamada Danab ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa maanta toogtay nin hubeysnaa oo ay uga shakiyeen inuu ka tirsanaa Al-Shabaab.
Ninkaan oo markii hor dhaawac ahaa ayaa isku dayay inuu baxsado, balse ciidamada ayaa toogtay markii uu dagaalamay, iyadoo warar soo baxayana ay sheegayaan in uu baxsaday nin kale oo la socday ninkaas ay toogteen ciidamadu,Meydka ninka la toogtay ayaa markii dambe waxaa horay u sii qaatay ciidamda Danab.
Ciidamada Danab ee ka howgala magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii dambe waday howgallo xoog leh oo lagu sugayo amniga magaalada, howlgalladaas waxaa la sheegay in si gooni ah loogu bartilmaameedsanayo dadka lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.
Wararku waxay sheegayaan in ciidamdu ay xireen dad badan oo siyaabo kale duwan loogu qabtay magaalada, kuwas oo qaarkood lasoo dayay markii lagu wayay dambiyadii looga shakiyay.
Dhanka kale markii magaalada Gaalkacyo uu soo gaaray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ciidamada Galmudug iyo kuwa Danab waxay bilaabeen howgallo xoog leh oo amniga lagu sugayo, waxaana ciidamo hor leh la dhigay inta badan magaalada Gaalkacyo qeybta ay maamusho Galmudug.