Markii dhawaan Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka maamulka Jubbaland ay Shacabka ku nool deegaannada Maamulkaasi ugu digeen qaadashada niqaabka ama Insha-Shareerka ayaa arintann waxaa markale ka hadlay Taliska booliska magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Taliyaha Saldhiga Degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose Warsame Axmed Geelle oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen rag xiran indha shareerka, islamarkaana haatan baaritaano lagu hayo.
Taliye Warsame oo sheegay in mar kale uu ka digayo qaadashada indha sharer, isagoona sheegay inarintan loogu gogol leeyahay sidii looga hortagi lahaa falalka amni darao ee ka dhaca magaalada Kismaayo.
Dhanka kale hadalka Taliyaha ayaa wuxuu ku soo aadayaa xili maamulka Jubballand uu dhawaan sheegay inay ka feejigan yihiin falal amni daro oo ka dhaca magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.