AFIROCOM waxay qiratay inay soo gaareen eedo la xiriira dad rayid ah oo ku dhintay duqayn uu Maraykanku ka gaystay nawaaxiga Jilib 2-dii Febraayo ee sanadkan 2020-ka.
Maraykanku waxay sheegeen inay xaqiijiyeen dhimashada qof rayid ah oo ku dhintay duqayntaas.
Hay’adda u dooda xaquuqda Aadanaha wee Amnesty International ayaa horay Mareykanka ugu eedeysay in uu dad Shacab ah marwalba ku dilo duqeymaha uu ka fuliyo Gudaha dalka Soomaaliya.