Sir.John Kirka oo isticmaarkii Ingriiska Zinzibaar u joogay sannadkii 1870, ayaa yiri: waxaan tagay Somalia, Miyiga Aniga oo marayo ayaa Oday Somalia oo Geel wato isoo ag maray, markaa ayuu Sanka qabsaday. Turjubaankii ayaa weeydiiyay sababta.
Wuxuuna yiri Odaygii Geel jiraha ahaa: Gaalkan Maqaarka cad oo uraya ayaan sanka ka qabsaday.
Sir.John ayaa qoraalkiisii Ku yiri, Somalidu waa dad Qab weeyn, Diintoodana Ku ad adag. Anniga oo isku heeysto in aan ka socdo Dalka Aduunka ugu xooga weyn ayuu iskala key weeynyahay Odaygaasi, yaab, Qabkooda & Hankooda ayaa ah, in Dad ka sareeya aynan jirin.
Somaliyeey Maanta. kuwii uu John, Awooweha u ahaa oo gaboobay oo Dalkoodii joogo, ayaa kuwii Odaygii Geel jiruhu Awoowe u ahaa ay London uga daba tageen si ey musqulaha ugu dhaqayaan, iyaga oo Ku faraxsan weliba.
Yaa na inkaaray?. Sideen uga baxnaa?..Jawaabtu waa xagaaga.
Aduunyo gadaal u xun.
Qore: Yahya Amir.