Dowladda Soomaaliya oo bixisay lacag lagu dhisayo garoonka K/Cagta ee W/Gaalkacyo.

Muqdisho:-Wasaradda maaliyadda ee Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay bixisay lacag uu R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu balanqaaday dhismaha garoonka kubadda cagta ee waqooyiga Gaalkacyo.

Lacagtan oo gaaraysa 220, 000$ (Laba boqol iyo labaatan kun oo doollar) ayaa lagu taageeray dhismaha garoonka ciyaaraha Cawaale ee Waqooyiga Gaalkacyo, waxaana lacagtan lagu shubay Akoonka guddiga dhismaha garoonka ciyaaraha “Cawaale”.

Dhawaan ayay Aheyd markii R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu kulan la qaatay Guddiga dhismaha Garoonka Kubada cagta ee Cawaale, kaasi oo ku yaala Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Leave a Reply

avatar
  Subscribe  
Notify of