Muqdisho waxaa ku kulmay Madaxweynayaasha DG Galmudug, Koofur Galbeed & Hir-Shabeelle oo ah madaxda taageertay go’aanka Xukuumadda Federaalka ay ku shaacisay in ay qabaneyso Doorasho dhinac ah & Mas’uuliyiin katirsan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2021.
Kulanka waxaa su’aalo lagu weydiiyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo warbaahinta maalin kahor u sheegay in Madaxda DG Jubbaland, Puntland & Midowga Musharixiinta uu ka waayay Jawaab uu ka sugyay, inkasta dhinacyadaan ay iska fogeeyeen eedeyntaas.
Ilaa haatan wax war ah kama soo bixin Madaxda Dowlad Goboleedyada Hir-Shabeelle, Galmudug & Koofur Galbeed oo ay ku faah-faahinayaan natiijo la’aanta ay kala kulmeen kulanka ay la qaataan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2021.
Madaxda DG Galmudug, Koofur Galbeed & Hir-Shabeelle waxaa saaran cadaadis labo dhinac ah, dhanka Xukuumadda waxay ku dadejineysa sidii ay u bilaabi lahaayeen abaabulka Doorashada, maadaama xubnaha howshaas qaban lahaa horay loo xareeyay, halka dhanka Musharixiinta, Jubbaland & Puntland oo ay saaxiibo siyaasadeed ay yihiin ka doonayaan ku qancinta go’aankooda isbadalay maalin ka hor.
Dhanka kale Musharixiinta ayaa waxay u muuqdaan in kalsoonida ay kala laabteen Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ay sheegeen inuu uga baxay ballan ay ku wada galeen Magaalada Garoowe oo ah inuu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka & dhinacyada diidan hab maamulka ay ku wajaheyso Doorashada.