Wadaadka caanka ah ee lagu magacaabo Sheekh Maxamed Idiris oo ku sugan dalka Turkiga ayaa si kulul uga hadlay marxaladda xilliga kala guurka ee uu dalka ku jiro, isagoo si gaar ah farta ugu goday erey bixin ku cusub dalka.
Sheekha ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dhibaato ka wadaan kooxaha la baxay saamileyda siyaasadda oo tiradoodu gaareyso 1500 qof kuwaasi oo sida uu sheegay aaminsan in Soomaalida inteeda kale ay matalaan.
“Saamileyda siyaasadda waxay aaminsan yihiin inay iyagu leeyihiin muwaadiniinta kale iyo dalkooduba” ayuu yiri Sheekh Maxamed Idiris oo Soomaalida ku gubaabiyay inay hangool isaga qabtaan kooxahaan la baxay saamileyda siyaasadda.
“Xadiiska ayaa tilmaamaya in adduunyada ay mar iman doonto in (qofku qabri soo ag maro oo yiraahdo: waxaan jeclaan lahaa inaan meeshaada aal) dhibka iyo fitnada uu arkayo darteed” ayuu yiri sheekha oo hoosta ka xariiqay in kooxahaani intooda badan ay ku shaqeystaan siyaasadda.
https://connect.facebook.net/en_US/sdk.js#xfbml=1&version=v7.0
Saamileyda Siyaasadda!Asxaabta ciid wanaagsan. Geeri iyo nolol waxa u dhexeeyaa waa silic iyo saxariir. Mar mar bey…
Posted by Sh’Mohamed Idris on Saturday, August 1, 2020