Madaxwaynaha dawlad goboleedka Jubbaland mudane Axmad Maxamad Islaam ayaa maanta oo axad aheyd Hoolka Waamo ee magaalada Kismaayo ka furay shirka dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee ku diriray deegaannada Jubbada Hoose.
Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay dawlad gobolleedka Jubbaland wuxuu u jeedkiisu yahay in si kama dambays ah loo soo af meero colaaddan soo laalaabatay.
Waxaa kulankan goob joog ka ah odayaasha dhaqanka beelaha ay dirirty dhex martay, masuuliyiinta amniga dawlad goboleedka Jubbaland, xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka Jubbaland iyo wasiirro ka tirsan golaha wasiirrada dawlad goboleedka Jubbaland.