Iyada oo in ka badan labo asbuuc ay dowladda Itoobiya iyo Xafiiska Xasan Kheyre ay is-horistaageen qoraal ay damacsanaayeen in beesha caalamka ku taageerto heshiiskii Jubbaland, ayaa ugu danbeeyntii beesha Caalamka iyo saaxiibada Soomaaliya ay soo saareen qoraal wadajira oo ay ku taageereen heshiiskii lagu heshiisiiyay siyaasiyiinta Jubbaland.
Safiirka Itoobiya Ambassador Jamaludin Mustafa Omar oo amar ka haysta Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad ayaa in mudo ah waxa uu ka dhex waday beesha caalamka olole uu uga horjeedo in la taageero hesiiskii Jubbaland. Waxa uu kulamo la qaatay wadamada ka hawlgalo Soomaaliya isaga oo u sheegay in taageerida heshiiska Jubbaland uu u horseedi doono Soomaaliya xaalad dagaal.
Ugu danbeeyntii dowlada Itoobiya ayaa ku guulaysatay in ay ku qanciso Urur Goboleedka IGAD oo hoosyimaada Itoobiya iyo kan Midowga Afrika in ay ka gaabasadaan oo ayan taageerin heshiiskaas. Qoraalkii ka soo baxay beesha caalamka kuma aysan jirin dowlada Itoobiya, IGAD iyo AU.
Abiy Axmad oo xiligaan heshiis gaar ah la galay Madaxweyne Farmaajo, kuna shaqaysto Farmaajo ayaa u muuqda kuwa doonaaya in ayqanciyaan Farmaajo una muujiyaan in ay taageersan yihiin jiraan mowqifkjiisa Jubbaland. Itoobiya ayaa og in ayan marnaba suuragal ahaynin in heshiiska Jubbaland la fashiliyo sidaas darteedna doonaya ay si dadban uga gaabsadaan geedi-socdka nabadaynta Jubbaland
Labo Wajiilanimada Xasan Kheyre: Maxaa ka dhaxeeya Xasan Kheyre iyo Ambassador Jamaludin
Xasan Cali Kheyre ayaa in mudo ah waxa uu u muujinaayay shacabka iyo hogaanka Jubbaland in uusan la qabin Madaxweyne Farmaajo fakarkiisa ku wajahan hogaanka Jubbaland. Waxaa uu taleefano gaara kula haldi jiray Madaxda Jubbaland isaga oo isaga dhigayo in uu iyaga la jiro. Hadabda MOL waxaa loo xaqiijiyay in Xasan Cali Kheyre uu isaga shaqsiyan taleefano kula hadlay beesha Caalamka isaga oo uga digay in ay taageeraan heshiiska Jubbaland.
Dhanka kale Safiirka Itoobiya ee fadhiisu yahay magalaada Muqadisho ayaa waxa uu mushaar joogta ah ka qaataa xafiiska Xasan Kheyre , isaga oo fuliya dhamaan qorshaha Xasan Kheyre. Mid ka mida shaqaalaha sare (Senior Staff) ee ka shaqeeya xafiiska Kheyre ayaa u sheegay MOL in Ambasaador Jamaludin uu yahay nin si dadban uga tirssan Xafiiska Kheyre. Jamaluldiin ayaa ah shaqsi ka soo jeeda beesha Murusade ee Karanle.
“..Jamalaudiin waxa uu u shaqeeyaan Kheyre, xaalada Jubbaland waa mid uu ula dhaqmo si laba wajiilanimo ah, Kheyre ayaa nagu amray in aan ku qancino beesha caalamka in ayan taageerin heshiiska Jubbaland, Itoobiyana ay hogaanka u qabato ololahaas.. Dhankeena waxaanu siinay safiirka Jamaludiin dhamaan taageerad isyaasadeed ee uu nooga baahnaa” , Sidaas waxaa yiri mid mida shaqaalaha Xafiiska Kheyre o oo ka gaabsaday in aan magaciisa faafino arimo la xiiria amnigiisa.
Sababta uu Kheyre sida dadan uga soo horjeestay heshiiskaas, ayaa lagu sheegay in uu doonayo in sare u sii qado colaado siyaasadeed ee ka dhaxeeysa beelaha Mariixaan iyo Ogadeen, taas uu ka dhex arkayo fursada siyaasadeed, Laakiin hogaanka iyo shacabaka Jubbaland ayaa si cad u arka sida laba wajiilanidama ah eee uu Kheyre ula dhaqmayo reer Jubbaland.