Kadib markii uu helay codka kalsoonida Baarlamaanka 23-kii September 2020, isla markaana uu noqday Ra’iisal wasaare rasmi ah waxaa Maxamed Xuseen Rooble horyaalla fursado iyo caqabado sheegi doona qofka uu yahay iyo sida uu u wajaho xaaladda adag ee dalku ku jiro.
Caqabadaha ugu waaweyn ee ka hor imaan doona ayaa waxaa ka mida in isagoo aan siyaasi ahayn la magacaabay waqti aad ugu adag siyaasi kasta oo ah xilli doorasho oo dowladda uu ka mid yahay waqtigeedu sii dhamaanayo, ayna siyaasadda isku heystaan hoggamiyeyaal 20 sano kuraasta kala bedelanayey.
Ra’iisal wasaare Rooble inkastoo uu yahay qof cusub oon hore loogu aqoon siyaasadda, hadana waxaa maalmaha soo socda lagu ogaan doonaa shaqsiyadiisa iyo qofka uu yahay marka uu maro saddexda tijaabo ee ugu horeeya, kuwaasoo kala ah:
1- Magacaabidda Golaha Wasiirada Cusub
Arrinta koowaad ee kala caddeyn doonta in Maxamed Xuseen Rooble uu yahay nin aan meesha la keensan ee talo ku leh hoggaanka dalka waxay noqon doonta sida uu Golaha Wasiiradiisa cusub usoo magacaabo.
Haddii uu soo celiyo inta badan wasiiradii xukuumadii la riday ama dib u soo wada magacaabo Wasiirada saaxiibada la ah Madaxweyne Farmaajo wuxuu noqon doonaa Nin madax looga dhigay xukuumadii hore oo Xasan Kheyre ka maqan yahay, Villa Soomaaliyana ay u yeeriso waxa uu qabanayo. Waxaa kaloo isha lagu hayaa inuu kuxigeen ka dhigan doono ninka xilka ku wareejiyey.
2/Rooble &Howlihii a boobsiiyey Xukuumadii xil-heynta
Labadii bilood ee dalku Ra’iisal wasaare la’aanta ahaa waxay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenkii hore Mahdi Guuleed iska kaashadeen inay xukuumadii xilka sii heysay si boobsiis ah ku marsiiyaan dhisme Guddiyo waaweyn oo masiiri ah, heshiisyo, sharciyo iyo magacaabis kala duwan, kuwaas oo inay sharci darro yihiin la caddeeyay.
Haddii Ra’iisal wasaare Rooble sidaas ku aqbalo ama ugu yaraan uga yaraan qaarkood dib ugu soo celin waayo xukuumadiisa, waxay noqon doontoo tijaabo kale oo sheegeysa heerka ay gaarsiisan tahay awoodisa. Waxaana ugu horeeya sida uu xafiiskiisa u maareeyo, una sameysto xoghaye joogto ah, meeshana ka saaro wiilka uu Madaxeynaha u sii diyaariyey.
3- Maamulka Doorashada 2020/2021
Ra’iisal wasaaraha cusub howsha ugu weyn ee laga sugayo waa inay xukuumadiisa qabato Doorashada Dadban ee aanu heshiiskeeda ka mid ahayn, waxayna ku xirnaan doontaa mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo inuu magac ku yeesho sida uu doorashadaasi daacad uga noqdo.
Haddii uu labada tijaabo ee hore ku fashilmo waxay tilmaan ka bixin doontaa inuu kaliya noqon doono madaxa ololaha dib u doorashada Madaxweyne Farmaajo. Haddiise uu la yimaado siyaasad hufan oo dadka isku wadi karta wuxuu sii qoran doonaa fursad uu waqtigaas kooban ku noqdo siyaasi nadiif ah oo mustaqbal leh.
Xil-wareejintii dhacday waxay marqaati ka ahayd in Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xafiiska ku bilaabay xaalad adag, ayna weli sugayaan maamulka howlo aad u culus oo aan ahayn shaqadii uu bartay ee Injineernimada, lase arki doonee jidka uu doorto midka uu noqdo.