Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax culus uu ka dhacay Wadada xiriirisa Magaaloyinka Balcad iyo Jawhar Jimcaha Maanta ah.
Sida ay sheegeen ilo wareed ku sugan magaalada Balcad, qaraxan ayaa lala beegsaday baabuur ay leeyihiin ciidamada dawladda oo marayey Degaanka Sayga oo Waqooyi ka xiga magaalada Balcad.
Qaraxan ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen askar dhowr ah. Gurmad ayaa la sheegay inuu socdo, kaasi oo lagu daad guraynayo askarta ku dhaawacantay qaraxaasi.
Maaulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada weli wax faah faahin ah kaa bixin qaraxa khasaaraha geystay ee lala eegtay Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Soomaaliya