Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ayaa sheegtay inuu iscasilay madaxii amniyaadka Shabaab ee Gobolka Banaadir, kadib Khilaaf ka dhex taagan madaxda sare ee Shabaab.
Qoraal la soo dhigay Barta Twiterka Hay’adda Nabad Suggida Somaliya, ayaa lagu sheegay Muuse Macalin oo loo yaqaan Mucaawiye inuu iska casilay xilkii Shabaab uu ka haayay.
Nabad Suggida waxa ay sheegtay Muuse Macalin inuu ahaa shaqsi raacsan garabka Mahad Karataay oo madaxda sare ee Shabaab ka tirsan.
Ma jirto ilo wareedyo madax banaan oo si rasmi ah u xaqiijinaya warka ka soo baxay Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ee ay ku sheegayso inuu iscasilay madaxii amniyaadka Shabaab ee Gobolka Banaadir.