Muuse Biixi Yaa Ku Riday Shirqoolka Calaamiga ee loo dhigay ? (Wax badan ka ogow)

Xilli ay Soomaalidu uga dabaaldegeysay dunida maalmihii xurnimadda iyo midnimadda gobollada Koonfur iyo Waqooyi ayaa Muuse Biixi tweetterkiisa ku shaaciyay in maamulkiisa xidhiidh diblomaasiyadeed uu la yeeshay Taiwan.

Dhowr toddobaad ka hor ayaa madaxda Soomaaliya iyo Somaliland ku kulmeen magaaladda Jabuuti tillaabadaas oo u muuqatay in siyaasiyiinta Soomaalidu (koonfur iyo waqooyiba) gaareen bisayl siyaasadeed oo ay kaga gudbi karaan ismarinwaaga u dhaxeeyey soddonkii sanadood oo la soo dhaafay. Balse arrinku waxuu u muuqdaa “La mood, noqonse weyday!” sida uu qoray Saciid Cabdisalaam (Jamhuriyadda June 21, 2020).

Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya (1991), cawaaqibkii ka dhashay waxaa ka mid ahaa in gobollada waqooyi ay gooni isu taag ku dhawaaqeen (18kii May 1991), iyadoo jamhuuriyadda inteeda kale aysan la qabin.

Haddaba aanu isweydiinee Somaliland maxay ku dheefeysaa xidhiidhka Taiwan?

Walow aan si sahlan loo saadaalin karin khasaaraha iyo faa’iidada ka dhalan kara diblomaasiyad quus ah, haddana Shiinuhu waxuu ku adkaysanayaa in jasiirad Taiwan ay qayb ka tahay dalkiisa oo aysan xaq u lahayn inay xiriir dowlad-wadaag la yeelato dunida.

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya oo la kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay sida “Dowladda Shiinaha ay uga go’an tahay dhowrista Qarannimada iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” (Sonna 04/07/2020).

Mareykanka oo tan iyo 1950kii aqoonsanaa Taiwan ayaa mowqifkiisii beddelay ku dhawaad 30 sanadood (1979) kaddib markii Shiinuhu uu xubin joogta ah ka noqday Golaha Amniga ee QM (1971). Washington ma taageersana siyaasadda madaxbannaanida ee Taiwan, mana diiddana “mabda’ hal Shiino” ee Beijing, waxayse Taipei la leedahay xiriir siyaasadeed, dhaqaale iyo militeri oo aan rasmi ahayn.

Taiwan waxay xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah la leedahay 14 ka mid ah 193 dawladood ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay (QM), kuwaas oo kala ah: Belize, Eswatini, Guatemala, Haiti, Honduras, the Marshall Islands, Nauru, Nicaragua, Palau, Paraguay, Saint Kitts and Nevis, Saint Lucia, Saint Vincent and the Grenadines and Tuvalu (Newsweek 20/09/2019).

Maamulka Trump oo si taxaddar leh u qaabaynaya ficilladiisa ayaa u ololeynayaa in Taiwan u qalanto in ay xubin ka noqoto WHO. Siyaasaddaas waxaa si ula kac ah loogu cadaadinayaa Beijing oo xifaaltankii ganacsi ee kala dhaxeyso Washington uu sii xumaanaya. Sanadihii la soo dhaafay waxuu maamulka Trump ku dadaalayay inuu xulufada tirada yar ee xidhiidhka la leh Jasiiradda aysan xidhiidhka ka jaran.

Walow xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan uusan sinnaba u gaarsiisnayn aqoonsi diblomaasiyadeed oo buuxa, haddana waxa loola dan lahaa: (b) In dalalka xidhiidhka la leh Taiwan ay aqoonsadaan Somaliland; (t) In maamulka Trump kol uun u dhego nugnaado doodda gooni u istaagga Somaliland madaama ay ku soo biirtay xulufada dhanka ka ah Shiinaha; iyo (j) In la meermeeriyo dalabka dadweynaha Somaliland oo ah aqoosi rasmi ah ama midnimo.

Waxaa laga yaabaa kuwa u janjeera dhanka gooni-u-goosiga inay xiiseynayaa xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Taiwan. Balse waxaa jira khatar ay ku lug leedahay caynka uu noqon doono xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland. Shiinuhu waxuu u aragtaa in Taiwan ay sii ballaarsaneyso xidhiidhkeeda diblomaasiyadeed iyadoo kaashaneysa laba wajiilanimada siyaasadda Washington, taas oo khatar ku ah danaha dhaqaalaha iyo amniga qarankiisa.

Si kastaba ha ahaate, shisheeyaha ololaynaya xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan dantoodu waxay tahay: (1) In xidhiidhka cusub looga careysiyo Shiinaha, si uu uga dido geyiga Somaliland una hunguriyeen malgashiga amase saldhig ka dhigashada dekedda Berbera; (2) In Somaliland aysan aqoonsi ka helin dalalka Ruushka iyo Iran oo saaxibtinimo dhow la leh Shiinaha; iyo (3) In Somaliland aysan ka bixin heshiiska khayraadka ee shirkadaha galbeedka la lahaayeen Jamhuuriyadda Soomaaliya tan iyo 1960yadii.

Dhanka kale, ​wadiiqadda maamulka Biixi uu ​qaaday uma muuqato ​mid ​uu ku xaqiijin karo dalabka kuwa doonaya inay ka go’aan Jamhuuriyadda inteeda kale seddax sababood awgeed: (1) Somaliland waa in 5ta dal ee leh diidmada qayaxan “vito power” midkoodana uusan kaa hor-imaan; (2) Shiinaha oo leh awood dhaqaale iyo millatery oo uu ku caburin karo wadamada xidhiidhka la samaysta Taiwan; iyo (3) Washington ​oo u aragta midnimada Soomaaliya inay ku jirto danta amniga qaranka Maraykanka, degenaashaha Geeska Afrika iyo Marinka Badda Cas.

Soomaaliya waxay ku taal bar muhiim u ah ganacsiga dunida oo awoodaha caalamkuna ku tartamayaan khayraadkeeda dabiiciga ah. Khabiiradda siyaasadda gobolka ayaa rumaysan, in Mudane Biixi uu ku dhacay shirqool siyaasadeed oo caalami ah, ama uu jiro ilduuf siyaasadeed.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Gambia oo la hadlay xildhibaanno u ololeynayay aqoonsiga Somaliland ayaa ka digay, “inay ka fogaadaan suuqgeynta ajendaha noocaas oo kale ah. Waxuu tilmaamay in dowladda keliya ee dowladda Gambia ay aqoonsan tahay ay tahay midda Soomaaliya, oo ah Dowladda Federaaalka Soomaaliya” (Freedom Newspaper 01/07/2020).

Doodda aqoonsiga ee aan tixgelin danaha shacabka Somaliland waa dood ka fog xaqiiqda. Talo waxay ku soo urureysaa tii Danjire Cabdullahi Koongo oo yiri, “Somaliland waa inay ka gudubtaa waa nala dilay, koonfurna waa inay la timaad hab ka duwan midnimadii 60kii.” Xigmada Soomaaliyeed ayaa odhanaysa “taladaa aan la ruugin waa lagu rafaadaa.”

W/Q Burhan H. Rooble iyo Cabdulqaadir Cariif Qaasim

Leave a Reply

avatar
  Subscribe  
Notify of