Gen Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii sarsare ee ciidamada dowladii soo maray dalka ayaa wareysi u siiyey Mustaqbal waxaa uu ka hadlay saameynta Kenya iyo Ethiopia ay ku yeelanayaan Siyaasada Soomaaliya iyo aamusnaanta arintaas ee shacabka Soomaaliyeed.
Gen Galaal ayaa sheegay in uu mushkilad ka dareemayo Soomaaliya oo aamustay xili Wadamada dariska ay doonayaan in ay qaybiyaan Iyadoo oo dowladaha caalamka loo sheegayo in wadanka uu yahay mid dagaalo argagaxiso ay ka dhacaan,Burcad badeedna ay ka buuxaan.
Gen Galaal ayaa tusaale usoo qaatay Kursiga Kenya ay ku fadhiisatay ee Golaha amaanka qaramada Midoobay taas oo uu sheegay In Soomaliya ay dhibaato kala kulmi karto.
Si taas loogu hortago waxaa uu Sheegay in Dowlada laga doonayo in Xubno fiican ay ka hesho wadamada leh awooda codeynta ee Vote Powerka.
Waxaa uu sii hadlay gen Maxamed Nuur Galaal Waxaana uu hadlay sida Soomaaliya ay kaalin kaga geysan karto dib u soo celinta xiriirka wadama lehe Awooda codeynta ee golaha amaanka si loogu hortago in Kenya ay sameyso Go’aano Soomaaliya ka dhan ah.
Balse rajo Xumo ayuu ka muujiyey Mareykanka,Ingriiska iyo Franciiska halkja uu sheegay in China iyo Russia ay yihiin labada kali ah ee la doonayo in xiriir wanaagsani lala sameeyo,loona fuliyo baahiyahooda si tan Soomaaliya ay u egaan.
Dowlada Soomaaliya oo ku eedeyey in waxyaabo badani ka aamusan tahay ayuu ugu baaqay in talaab deg deg ah qaado kuna aadan wanaajinta xirirka dowladahaas.
Inkastoo China ay xariir diblumaasiyadeed oo kala dhaxeeyso xukuumada dhexe,hadana waxaa dowlada ay dib u baar baari kartaa dib usoo celinta xariirka Russia.
Kenya ayaa dooneyso in ay ku guuleysato Kiiska dacwada bada ee hortaala maxkamada ICj halka Soomaaliyana ay geesteeda ay dooneyso Guusha waloow dhulka uu yahay mid Soomaaliyeed.