Musharax Madaxweynaha Soomaaliya wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa Maanta waxaa siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho, kaas oo imaanshihiisa maalmihii la soo dhaafay la hadal haayay.
Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa Musharax Madaxweyne kusoo dhaweeyay, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaalada muqdisho.
Wadada ka timaada Garoonka Adan-Cadde ilaa Xarunta Xisbiga DAN-QARAN ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal Ruux oo watay Funaanada uu ku buufsan yahay Calanka Musharax Daahir Geelle, kuwaas oo ku dhawaaqayay erayo ay kusoo dhaweynayaan.
Musharax Madaxweynaha Soomaaliya wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle oo hadda ku sugan Xarunta Xisbiga DAN-Qaran ayaa la filayaa in uu la hadlo Boqolaalka qof ee ku sugan Xarunta iyo kuwii ka qeyb qaatay soo dhaweyntiisa.