Ku: Mudane Ismaal Cumar Geele, Madexweynaha Dalka Jabuuti
Ka: Faisal Cabdi Rooble, Los Angeles, California
Codsi: Xabsi ka siidayn Fouad Youssouf Ali
Mudane Madaxweyne,
Marka hore waxaad iga gudoontaa slaan qaali ah. Waxaad iga mudantahay sharaf iyo cisi arimo badan awgood, haba ugu horeeyaan martigalino aad u samaysay aqoonyahanka Soomaaliyeed oon ilaa afar ka mid ah an Dalka Jabuuti kaga qayb galay. Waxa kale oo xusid mudan martigalintii shirkii Carte mudo hada laga joogo labaatan sano. Shairkaasi waxa uu salka u dhigay geedi-socodka dib u soo yagleelka Soomaaliya. Jabuuti la’aanteena, waxa laga yaabaa in geedi-socodkaasi intan hada uu yahay ka sii dheeraan lahaa.
Mudane Madaxweyne, intaasi waxa ii dheeri anigoo sida Soomaali badan oo kali qaarbo iyo xigto ban ku leh Jabuuti.
Mudane Madaxweyne, waxaan Soomaali badan la wadaagaa “laxejeclo.” Jabuuti lexejeclo ayaa naga haysa! Hadii aan idhaahdo Jabuuti waa laambadda maanta Soomaali u ifayasa, waxaan u malynayaa in dadka Soomaaliyeed intooda badani igu raacayaan. Innaba noo cuntami mayso in iftiinkaasi hantaaqi ku timaad.
Mudane Madaxweyne, Mar aad noo soo xidhaysay shirkii Heritage ee 2019, waxaad nala wadaagtay Xeerka iyo Xeelada Jabuuti isticmaasahy si ay uga nabad gasho mawjadaha siyaasadeed iyo hagardaamada wiiqiyey dawladnimada iyo daganaanshaha dalalka Geeska Afrika. Runtiina gidigayo waanu u qushuucnay sida mudakarnimada leh ee Jabuuti uga samta bixisay dabaylhii siyaasadeed ee hafiyey Geeska Afrika sagaashameeyihii iyo hadeerba.
Mudane Madaxeyne, waxa aad noo dhibaya, oo dad badan oo ilasoo xidhiidhay walaac ka muujiyeen, fariimaha muuqaalka iyo maqalkaba leh ee ka imanaya dhinaca maxbuus Fouad Youssouf Ali. Waa suurto gal in ay jiraan waxyaabo iga qarsoon oo kiiskan la xidhiidha. Iyadoo sidaas ah, hadana waxaan Mudane Madaxweyne kaa codsanayaa in aad isticmaasho ood arinka ku farsameyso Xeerkii iyo Xeeladii ilaa maanta Jabuuti ka samatabixiyey hagardaamada haysata Geeska Afrika.
Mudane Madaxweyne, waxaa tahay Madaxweyne qaan gaadh ah oo siyaasadiisu waayeel tahay. Waxaan hadaba marti kaaga ahay, aniga oo ku hadlaya magaca kumanaan Soomaali ah oo jecel wanaaga Jabuuti, in aad arinta Faoud Xeerisid marka ay munaasab kuu tahay wakhtina aad heshid.
Mudane Madaxweyne, Dhambaalkan si hawlyar kumaan qorin. Culays weyn ayuu usbuucanba igu hayey. Waxaan Eebahay ka tuugayaa in dulucda weedhan ku qorani jid ay kuu soo marto hesho inta aanu xaalka Fouad ka sii darin.
Waabilaahi Towfiiq
Faysal Rooble