Ergayga Ururka Midowga Europe ugu qaabilsan Arrimaha Siyaasadda, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka Ururkaasi, Ambassador Josep Borrell Fontelles ayaa hadalkaasi ku sheegay Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka, wuxuuna xusay inay nasiib-darro tahay Arrintii Golaha Shacabka ay ku sheegeen inay Codkii Kalsoonida kala laabteen RW Kheyre iyo Xukuumadiisa.
Waxa kale oo uu dhaliilay Hannaankii loo maray Xil-ka-qaadistaasi, taasi oo uu xusay inaan loo cuskanin haba yaaraatee Shuruudaha ugu yar ee Dastuurka Qabyada ee Somalia.
Ambassador Joseef Borrell waxa kale oo uu xusay inay Midowga Europe ka walaacsan yahay arrintaasi, iyado oay EU-da ka taageeraan Somalia dhamaystirka Dastuurka Qabyada ee dalka.
Dhinaca kale, Ergayga Sare ee Ururka Midowga Europe ugu qaabilsan Arrimaha Siyaasadda, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka Ururkaasi, Ambassador Josep Borrell Fontelles waxa uu Qoraalkiisa ku muujiyey inay si feejigan dib ugu eegi doonaan qaabka ay ku timid Xil-ka-qaadista RW Kheyre, cidda qaadayso Mas’uuliyadaasi iyo sida uu Go’aankaasi u weecin karo dadaalka Horumarka ee Somalia ku tallabstay.
“Somalia waxay weli ku jirtaa jidka dheer ee Soo-kabashada Qaranka si ay u noqoto mid xor ka ah Amni-xumida, Daynta iyo inay si xor ah loogu codeeyo Hoggaamiyayaasha doonaya Awooda dalka” ayuu yiri Ambassador Josep Borrell Fontelles.
Waxa uu intaasi ku daray inta laga gaarayo Xilligaasi in looga baahan yahay Hoggaamiyayaasha Somalia inay oggolaadaan Mas’uuliyada Khaaska ee lagu hubinayo in lagu xaqiijiyo Heshiiskii la gaaray, lana sii wado Siyaasadaha Qaranka.