Ciidanka Booliiska Dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa la sheegay in xalay xilli dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabteen mid ka mid ah rag lagu eedeeyay kufsigii iyo dilkii Muqdisho loogu geystay Xamdi Maxamed Faarax.
Sakiya Xuseen Axmed Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegtay in Ninkaasi oo lagu Magacaabo Maxamed Ibrahim Cismaan oo 24 jir ah, kuna dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday magaalada Xamar falka ka dib.
“Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday magaalada Xamar falka kadib” ayay tiri Taliye Sakiya.
Waxay u mahad celisay Ciidamada iyo Shacabka Maamulka Galmudug oo ay sheegtay inay si wadajir ah uga Shaqeeyeen sidii gacanta loogu so dhigi lahaa eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo baxsad ahaa.
Dhanka kale Booliska Soomaaliya ayaa shalay sheegay in 11 Ruux ay u hayaan kiiska kufsiga iyo dilka ee dhibbane Xamdi, isla markaana baritaano ay ku hayaan dadkaasi.