Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa Axadii dood adag ka yeeshay Xubnaha Gobolka Banaadir loo qoondeeyay inay markii ugu horeysay ku metelaan/yeeshaan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Sabtidii cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir. Xeerkaas oo ogolaanaya in Gobolka Banaadir uu 13 Senator ku yeesho Aqalka Sare.
Xildhibaan Saleebaan Faarax Ciise oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland, lana hadlay BBC ayaa marka hore sharaxaya waxa ay ku saabsaneyd doodoodii ugu dambeysay, ee ay ku yeesheen Magaalada Garoowe.
“Doodda Golaha Baarlamaanka Puntland waxay ku saleysneyd diidmo mooshinkii fowdada ahaa ee Golaha Shacabka ee Federaalka, sida sharci-darrada ah, awalna loogu geeyay, laguna ansixiyay iyo guud ahaan Baarlamaankan Federaalka ee muddo xileedkoodu dhammaaday ee hadda ka shaqeynaya, sidii ay ku soo laaban lahaayen darteed, xeerar waxyaabo uusan dastuurka u jeedinayn iyo habraacyo doorasho hadda raba inay khasab ku sameeyaan.” Ayuu yiri Xildhibaan Saleebaan Faarax Ciise
Wuxuu sheegay inaysan jirin cid diidan xuquuqda Gobolka Banaadir, oo ay ku qeexan tahay Dastuurka Qaranka, hase ahaatee aan Metelaadda Gobolka Banaadir loo marin sifihii sharcigu qabay.
“Caasimadda Muqdisho waa Caasimaddii Soomaaliyeed, cid diidan xuquuqdeeda ma jirto, balse Dastuurka ayay ku qeexan tahay Maqaamka iyo Metelaadda Caasimadda. Qodobka 9aad ee Dastuurka Federaalku wuxuu cadeynaya inay ku soo baxeyso dib u eegista Dastuurka, xeerna ay ku soo saarayaan Labada Aqal ee Baarlamaanka.” Ayuu yiri Xildhibaan Saleebaan Faarax.
Hadalada Xildhibaanka oo u muuqday kuwo is burinaya ayaa yiri “Muqdisho waa gobol ka mida sideeda iyo tobanka gobol ee Somaliya. Aqalka Sare ee 54-ka Mudane ah wuxuu ku fadhiyaa sideeda iyo tobanka gobol ee dalka.”
Waxa uu intaa ku daray “Waan sheegnay Muqdisho metelaadeedii waxay ku maqan tahay gobolo kale, oo hadda dadka u ololeynayo, ee sida dulmiga ah ku raadinaya baa ku fadhiya. Metelaaddii Muqdisho ee dhanka Aqalka Sare meesha ay jirto halaga doono.”