“Maalintii nala doortay illaa maanta waxa aan ku haynaa Shacabka! Xiriirka Shacabka & dowladda waa in la xoojiyo! waa in awoodda Shacabka lagu celiyo! oo Shacabkii waa kicinay! Laabtoodii waa kicinay! Waxa ay aaminsan yihiin in ay aadayaan doorasho toos ah! bacdamaa wax Alla wixii doorasho ahaa oo la yaqaanay horay loosoo maray, Baarlamaankii sida la sheegayo iyaga oo ka cararaya madaxweynayaashii ayay waxa ay ay keeneen mid runtii xitaa aan la garanayn in ay ku soo noqonayaan dhammaantood, Laakiin shacabka ayaa heli doonaan Fursad, dalkeenu waxa uu heli doonaa in l ayiraahdo Soomaaliya waxa ay u gudubtay dimoqraadiyad, Baarlamaankii oo leh Sharci baan diyaarinay oo waa qaban karnaa doorasho, guddigii doorashooyinka oo leh doorasho waa qaban karnaa bacdamaa ay soo shaqqeynayeen muddo & Walaalaheey (Dowlad-goboleedyada) oo leh ma joogtaa xaaladda lagu qaban lahaa howshaas! Anigu haddaba Baarlamaankii ayaan dib ugu noqonayaa, waxa aan ku soo wargelinayaa wixii aan ku sheekeysanay saaxiibadey…..”
Hadalkaasi waxa uu kamid ahaa Khudbaddii 22-July-2020 Madaxweyne Farmaajo ka jeediyey Shirkii Wadatashiga DG & Xukuumadda dhexe ee kadhacay Dhuusamareeb, waxa uu hordhac u ahaa 5 tallaabo oo muujisay in MW Farmaajo dadaal weyn ugu jiro sidii loo kordhin lahaa muddo-xileedka madaxtooyada iyo Baarlamaanka.
22-July-2020 Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in uu golaha shacabka kula noqonayo wixii ay ku wada sheekeysteen isaga iyo saaxiibadii, (dowlad-goboleedyada)
25-July-2020 Guddoonka golaha shacabku waxa uu fadhigii golaha ee maalinkaas si fowdo iyo buuq ah uga sheegay in xukuumaddii dhacday kuna fashilantay howshii loo igmaday! sidaas awgeedna ay farayaan madaxweyanha in uu soo magacaabo raisalwasaare Waddanka gaarsiiya doorasho.
MW Farmaajo ayaa si halhaleel u shaaciyey in uu aqbalay go’aankii fowdada ku dhisnaa ee guddoonka golaha shacabku kusoosaaray Natiijo aan xitaa xeer-hoosaadka golaha waafaqsanayn, madaxweynaha oo warkiisa lagu faafiyey bogga Facebook ee Villa Somalia ayaa yiri: “Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna.”
Xukuumaddii weysay Kalsoonida golaha shacabku waxa ay 30-July-2020 billowday in ay magacowdo qayb kamid ah guddiga adeegga garsoorka, taas oo ka dhigan in iyada oo aan haysan Kalsooni Baarlamaan ay maamuleyso howlo dastuur ahaan ka reebban, garyaqaan Daahir M. Cali xog-hayaha ururka Qareenada Soomaaliyeed ayaa yiri: “Ugu horrayntii golaha wasiirradu waxa uu soo jeedin karaa 3 Xubnood oo ka mid noqonaaya golaha adeegga garsoorka, labada kale waxaa soo magacaabaaya ururka qareennada Soomaaliyeed, sida ay qabto farqadda labaad ee qoddobka Qodobka 109A ee Dastuurka-KMG, sidoo kale Xarafka E farqadda 1aad ee Qodobka 6aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka sharci Lambar 28 soona baxay 8/7/2014 waxa ay u qorantahay sidaan:- “Labo Qareen Sare oo xubin ka ah Ururka Qareennada Soomaaliyeed uu soo magacaabay Golaha Qareenada Soomaliyeed oo xilka haynaya muddo afar Sano ah…..” sidaas awgeed waxaa cad oo aan shaki ku jirin in golaha wasiirradda ee xilka siihaya uu magacaabay xubno aan Dastuurka iyo Sharcigu midna aysan siin magacabistooda.
30-July-2020 Sida ay Badweyntimes u sheegeen xubno ku dhow xafiiska sii hayaha xilka Raisalwasaaraha agaasimihii xiriirka & Warbaahinta ee Xafiiska Raisalwasaaraha ayaa ka tegey shaqada kaddib markii lagu wargeliyey in looga baahan yahay la qabsiga iyo fahamka isbeddelka ku dhacay xafiiska, sidaas awgeedna ay tahay in fuliyo dhowr shaqo oo ay kamid yihiin:-
In uu gado kana shaqeeyo suuqgeynta doorasho qof iyo cod ah
In uu u shaqeeyo sidii uu u shaqeyn jiray isaga oo adeegsanaya dhammaan isla-awoodihii iyo xirfaddii uu kuwaday howsha xafiiska agaasimihii xiriirka & Warbaahinta ee Xafiiska Raisalwasaarah.
Sida uu qabo qodobka 25aad ee xeer-hoosaad golaha shacabku waxa ay ahayd in guddiga Joogtada ah uu diyaariyaa Ajendaha fadhiyada Golaha, Ajendahana la qaybiyo xildhibaanada ugu yaraan 24-saac ka hor fadhiga loo dhanyahay, hayeeshee intaas oo dhan midkoodna ma dhicin ee guddoomiyaha golaha shacabka Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa qaatay go’aan ah in xukuumadda loo qaado codka kalsoonida, buuq iyo fowdo ayaa ka kacay golaha kaddibna waxa uu sheegay in ay dhacday xukuumaddii.
Sida uu qabo Qodobka 103 ee dastuurka kmg ah Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Ra’isul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul-Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawladda si xilgaarsiin ah.
Madaxweyne Farmaajo qodobkaas Dastuuriga ah ma xeerin ee waxa uu soosaaray Wareegto uu ugu magacaabay raisalwasaare kuxigeenka xukuumaddiisa kalsoonida weysay Mahadi M. Guuleed in uu noqdo sii hayaha xilka rai’salwasaaraha, halkii ay ka ahayd in Wasiirka koowaad iyo xukuumaddiisuba ay sii hayaan xilka inta laga magacaabayo Raisalwasaare cusub.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Feb 20, 2020 munaasabadda xiritaanka kalfadhigii 6aad ee Baarlamaanka waxa uu ka sheegay in Waddanku galay una dhaqaaqay doorasho kaddib markii uu saxiixay xeerka doorashooyinka, hayeeshee marka la soo ururiyo dhammaan tallaabooyinka uu qaaday madaxweyne Farmaajo, go’aanka khilaafsan xeer-hoosaadka golaha shacabka, kala eryidda shaqaalaha xafiiska Ra’isalwasaaraha iyo dhaqanka xukuumadda weysay kalsoonidu waxa ay kadhigan yihiin in dadaal weyn loogu jiro sidii muddo kordhin loogu sameyn lahaa muddo-xileedka Madaxtooyada & Baarlamaanka.