Saacado kooban waxaa Warbaahinta iyo Baraha Bulshada qabsatay Warbixin ka hadleysa in Soomaaliya ay gacansiisay Boqortooyada Sacuudiga waqti haatan laga joogo 128-sano.
Kaalmada ayaa ka dhalatay kadib markii Boqortooyada xaalad Abaar gashay, is badal ayaa ku yimid nolosha dadka u dhashay dalkaas, waxaana gacan-qabad siliyay Soomaalidii xiligaas joogtay.
Wargeyska Al-Marsad ee kasoo baxa Sacuudiga oo soo xiganaya qoraal lasoo dhigay Barta Twitter-ka “Taariikhu Aala Sacuud” ayaa gaashaanka ku dhuftay Warkaan sheegaya in Boqortooyada gacan ka heshay Soomaaliya muddo 128-sano laga joogo marka laga jaro 1441 Hijriya oo sii idlaaneyso.
Sanadka xiligaas waxa uu ku beegnaa 1313-Hijriya, waxa ay waafaqsaneed 1895-tii, Dhulka Sacuudiga waxaa gaartay abaar saameyn taban ku yeelatay dadkii kunoolaa waqtigaas oo u badnaa Xoolo dhaqato.
“Taariikhda Sacuudiga wararka ku saabsan in ay Soomaaliya garabsiisay oo ay caawisay 1313-kii Hijriyada waa kuwo ka fog xaqiiqda, xitaa wali sooma marin Sacuudiga kaalmo uga timid Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warka looga jawaabayay gacansiinta Sacuudiga ee Soomaaliya.
“Wararka sheegaya in kaalmo Soomaali bixisay oo lagu badbaadinayay Sacuudiga sanadkii 1313-kii waa kuwo xaqiiqda ka fog, Warbaahinta qaar ayaa arrintaas daabacday, Taariikhdu waa mid qoran oo lawada ogyahay” ayaa lasii raaciyay.
Barta Twitter-ka ee loogu magac daray “Taariikhda Aala Sacuud” waxaa la aas-aasay sanadkii 2016-kii, waxaana ujeedka loo dhidbay ay tahay soo bandhigista xogaha Boqortooyada, Taariikhdii hore, ka jawaabista wararka laga daabaco iyo diiwaanka Liiska Xubnaha Talada haya.