Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 14-Agosto-2016 saxiixay xeerka dhisidda Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka, Wasaaradda Haweenka.
iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka (WHHXI) ayaa soosaartay xayeysiinta kamid noqoshada xusbnaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka Septembar-2017-Soo-shaacinta-Jago-bannaan-GMBXI, waxaa shaqada xubinimada Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka dalbaday 615 qof, waxaana Liiska gaaban (Shortlist) kusoo baxay 79, waxaana laga xushay kaddib markii ay mareen nidaamka 9 qof oo isugu jirta rag iyo dumar (5 Rag ah & 4 Haween ah) oo kudhisan nidaamka awood-qaysbiga beelaha ee 4.5.
Golaha Wasiirada ayaa la geeyey galka 9-ka xubnood ee Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka December-2017 si uu u meelmariyo hayeeshee laga soo billaabo 2017 illaa 2020 waxa uu haysta golaha Wasiirada sababta waxa lagu sheegay in aan miisaaniya loo hayn.
Waa maxay sababta rasmiga ah ee aan loo dhammeystirin dhismaha GMBXI?
Dhismaha hay’adaha kala ah Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka iyo Maxkamadda Dastuurigu waxa ay qayb weyn kaqaadanayana dhismaha guddiga adeegga garsoorka oo la wareegi doona awood badan oo hadda gacanta ugu jira madaxweynaha iyo golaha xukuumadda, sidaas awgeed madaxda xukuumadihii qabtay xilka waddanka 10-kii sano ee ugu dambeysay oo ay ku jirto xukuumadda madaxweyne Farmaajo waxa ay doorbideen in aysan dhismin hay’adaha sida dastuuriga ah ula wareegi doona awoodaha oo ay suuragal tahay in aysan u dheganuglaan danaha siyaasiyiinta.
Guddoomiyeyaasha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka iyo Maxkamadda Dastuurigu waxa ay si toos ah xubno uga noqonayana guddiga guddiga adeegga garsoorka, taasina waxa ay horseedi doontaa in xukuumaduhu aanay ku kicin ama aanay qaadaan go’aanada ku dhisan danaha shaqsiga ah iyo hadba sida ay rabaan in ay xilka ku sii joogaan.