Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa wareegto uu soo saaray ku joojiyay Dhisidda iyo Degaamaynta dhammaan dhul-daaqsimeedka ku yaalla degaannada maamulka Puntland.
Wareegtada ka soo baxday Madaxtooyada Puntland waxaa lagu amray saddexda Wasaaradood ee Arrimaha Gudaha, Degaanka iyo Amniga, oo ay weheliyaan Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Daraawiishta, inay joojiyaan dhisidda iyo Degaamaynta Dhul-daaqsimeedka gudaha Puntland.
“Waxaa Dhammaan Wasaradaha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee wareegtadani sida tooska ah ugu socoto la farayaa, laga billaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 05/07/2020, in la joojiyay dhismeyaasha iyo degaameynta Dhul-daaqsimeedka Degaanada Puntland” ayaa lagu yiri Qoraalka.
Wareegtada waxaa sidoo kale lagu xusay, in Puntland ay soo saari doonto Habraac iyo Shuruuc gaar ah oo loo maro, marka la doonayo in dhul cusub la Degaameeyo “Dowladda Puntland waxay soo saari doontaa habraac iyo shuruuc gaar ah oo loo marayo deegaameynta cusub ee deegaanada Puntland.”ayaa lagu yiri bayaanka.
Dhanka kale Dadka xoolaha dhaqatada ah ayaa cabashooyin ka muujiyay dhulka miyiga ah ee deegaamaynta ka wadaan ganacsatada ku sugan deegaanada Maamulka Puntland,taas oo keentay in Madaxweynaha maamulkaasi uu wareegto ku joojiyo arimahaasi.