Madaxweyne Saciid Deni oo shir deg deg ah isugu yeeray Xubnaha Puntland ku metela DF

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay hareeraha ka joogaan inta badan xubnihiisa Golihiisa Wasiirada ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo hareer maray nidaamyadii lagu hashiiyey, isagoo ku eedeeyey in dowladiisu howl ka dhigatay sidii ay ula dagaalami lahayd maamul Goboleedyada.

Deni ayaa ku dhawaaqay in 15-3-2020 Magaalada Garoowe lagu qabanayo shir wadatashi ah, isagoo u yeeray dhammaan xubnaha labada aqal ee Puntland ku metela federaalka iyo siyaasiyiinta si wadatashi looga yeesho xaaladda sii xumaanaysa ee Puntland iyo Federaalka.

“Wax badan ayaa madaxda Dawladda Faderaalka la hadalnay si howsha taagan loo dhammeeyo balse aamuskayaga ayaa waxaa loo qaatay inaan waxa soconaya raali ka nahay ” ayuu yiri Deni.

Khilaafka u dhexeeya Puntland iyo federaalka ayaa mudooyinkanba sii xoogeysanayey kaasoo salka ku haya arrimo kala duwan oo iskugu jira siyaasada, arrimaha Jubbaland, waxbarashada iyo qodobo kale.

Leave a Reply

avatar
  Subscribe  
Notify of