Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta ka qeyb-galaya kulanka guddiyada joogtada ah ee Aqalka Sare, sida uu shaaciyey guddoomiyaha Golahaasi.
Madaxweyne Qoor qoor ayaa khudbad ka jeedin doono xarunta Aqalka Sare taas oo uu uga hadlayo arrimaha Galmudug, xaalada dalka iyo safarkiisa Muqdisho.
Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku war-geliyay Senatorada Aqalka Sare in kulanka maanta uu mihiim yahay, islamarkaana uu ka soo qeyb-geli doono Madaxweynaha Galmudug.
Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa su’aallo dheeraad ah weydiin doono madaxweyne Qoor qoor oo maalmahaan dambe kulamo siyaasadeed ka waday caasimada.