Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo kamid ah Madaxda ka qaybgaleysa Shirka Sanadeedka Ururka Midowga Afrika ayaa maanta khudbad ka jeedinaya shirkaas.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay BBC-da oo wax laga weydiiyay khudbadda Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in Madaxweynaha Dalka uu ka hadli doono Xaaldda Dalka, Deyn Cafinta, isbadal sanadeedka Madaxda Afrika iyo qodobo kale.
Danjire Cawad waxa uu intaa ku daray in hadal jeedinta Madaxweynaha Dowladda Federaalka ay muhiim u tahay geedi socodka Soomaaliya iyo qorshaha deyn cafinta, maadaama madasha ay ku sugan yihiin in ka badan 30-Madax oo dalal kala duwan ka kala socota.
“Shirarkaan oo kale lacag laguma kala qaato, balse waxaa lagu dhisaa xiriirka Madaxda ka qaybgaleysa iyo Soomaaliya, waxaana lagu soo bandhigaa sanad wixii isbadalay iyo halka lo socdo, waxaana kasoo baxdo in la garab istaago” ayuu yiri Wasiir Cawad.
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal uga jirta sidii dalka looga dhaafi lahaa deynta waqtiga fog ay ku leeyihiin wadamo kala duwan.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxa uu sheegay in kulamo gaar gaar ah oo la qaatay Madaxda kala duwan ee xaadirtay Shirka sanadlaha ee Ururka Midowga Afrika.
Mas’uuliyiinta ay wada kulmeen Madaxweyne Farmaajo waxaa kamid ah: Madaxweynaayasha Uganda, Jabuuti, Koofurta Sudan, Nigeria iyo Rwanda, halka Ra’iisul Wasaarayaasha uu la kulmay ay ku jiraan Ethiopia, Norway, Canada iyo Sudan.