Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa soo saaray Wareegto uu ku magacabay 2 Wasiir iyo 6 Wasiir ku-xigeen oo ka mid noqonaya xukuumadiisa.
Wasiirada iyo wasiir ku xigeennada la magacabaay ayaa kala ah:
1. Eng. Cabdullahi Cali Xirsi (Timacade) waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo dalxiiska
2. Eng. Maxamuud Xaaji Saalax waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda
3. Cabdi Ibrahim Warsame (Qawdhan) waxaa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda
4. Ismaacil Saleeban Geelle waxaa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDRta
5. Axmed Siciid Ismaciil (Qolombe) waxaa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha, Tamarta iyo Macdanta
6. Saynab Ismaciil Maxamed waxaa loo magacaabay Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo Isbadalka Cimiladda
7. Maxamed Axmed Xasan waxaa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha
8. Maxamed Axmed Ismacil (Deero Dile) waxaa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Xirirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqaalaha.