Mashruuc tijaaba ah oo ay ka bilowday AMISOM xaafadda Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu soo jiitay dadka xaafada iyadoo is-diiwaagelinta ardayda ay ka saramartay sidii la filayey. Mashruucan ayaa loogu talagalay in lagu dhiirigeliyo waalidiinta xaafada Jazeera ee ku taal koonfurta Muqdisho inay keenaan carruurtooda waxbarashada dugsiga hoose oo bilaash ah.
Waxaa bilowgii is diiwaangeliyay 9 arday, laakin muddo hal bil gudaheed isdiiwangelintu waxay gaartay 97 arday, haatanna ardayda ka diiwaangishan iskuulka waa 210 arday.
Qorista iskuulka kaliya kuma aysan ekeyn carruurta, oo waxaa dadka isdiiwaan geliyay ka mid ah waalidiin iyo dad waa weyn intuba si ay uga faa’ideystaan waxbarashada dadweynaha ee bilaashka ah, taasoo ka maqneyd Soomaaliya 20-kii sano ee la soo dhaafay tan iyo markii la afgembiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.
Barnaamijkan waxbarasho ee AMISOM kula dagaalamayso jahliga ayaa wuxuu noqday horumar ay sameeyeen ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.
Tirakoob lagu sameeyay tirada dadka Soomaaliyeed ee leh aqoonta aasaasiga ah (aqoonta qorista iyo akhriska) ayaa lagu sheegay inay aad u yar tahay , inkastoo hey’adda carruurta ee UNICEF qiyaas ay sameysay ay ku sheegtay in 24% haweenka Soomaaliyeed ee u dhaxeeya da’da 15 iyo 24 sanno ee ku nool dalka ay yihiin kuwa wax akhrin kara.
Tan iyo markii la afgembiyey Siyaad Bare waxbarashadu waxay noqotay shey aan la goyn karin oo qaali ah, taasina waxay kaliftay Soomaali badan oo faqiir ah sida dadka ku nool xaafada Jazeera iyo carruurtoodu inay ahaadaan kuwa aan waxba baran.
Hadda dadka xaafada Jazeera iyo caruurtooda u ooman waxbarashadu waxay culeys soo saareen AMISOM oo ku dadaaleysa inay u hesho buugaag, miisaska iskuulada iyo agabka kale ee wax lagu barto.
Inkastoo aysan heysan qalab waxbarasho oo ku filan ayaa hadana ardayda xaafada Jazeera waxaa ka go’an inay soo xaadiraan fasalka. Hani Axmed waa gabar Soomaaliyeed oo 9-jir ah. Waxay aad ugu faraxasan tahay fursada ay kaga qeybgaleyso iskuulkan aan weli magaca loo bixin. “Iskuul kuma uusan oolin agagaarkaan kahor intaan iskuulkaan la furin,” ayay tiri. “Dhismaha iskuulkaan waxaa qeyb ka qaatay odayaasha xaafada iyo AMISOM. Hadda waxaan bartaa luuqada Ingiriiska iyo Qur’aanka. Iskuulku waa bilaash. Lacag ma bixino. Waxaan doonayaa inaan si fiican wax u barto si aan u helo shaqo markaan iskuulka dhameeyo.”
Xaafada Jazeera waxay ku taala degmada Wadajir ee sii fideysa taasoo ku taal koonfurta Muqdisho. Koror saa’id ah ayaa ku yimid dadka xaafada Jazeera sanadihii lasoo dhaafay maadama dad badan ay kasoo barakacayaan qeybaha kale ee caasimadda oo ay ka jiraan qalalaaso iyo nimaad darro. Amniga xaafada wuu ka wanaagsan yahay qeybaha kale ee magaalada, waxaana keenaya xerada tababarka Jazeera oo ku taala deegaanka halkaasoo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ay tababar ku siiyaan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.
Ila dhaqaale la’aan darteed, ardeyda Jazeera waxaa qasab ku noqotay inay wax ku bartaan warshadii hore ee nacnaca oo hada la dayactirey.
Subixii carruurta waxay bartaan maadooyinka Qur’aanka, Ingiriiska, Xisaabta iyo Jiquraafiga, halka waalidiinta iyo dadka waaweyn ay galabtii bartaan maadooyin la mid ah kuwa subixii carruurta la siiyo.
Waxaa jirta deeq lacag yari. “Waxaan ka codsaneynaa dadka samaha jecel inay na taageeraan,” ayuu yiri Cabdulaahi Ibraahim oo ka mid ah macalimiinta iskood wax uga dhiga iskuulka.
“Dalkeena waxaa ragaadiyey jahli, balse haddii arday badani ay waxbarasho helaan waxay ku yeelaneysaa saameyn wanaagsan. Xagjirnimada waxaa laga qabi doonaa feejignaan, carruurteenana si sahal ah dagaalada looguma geliyeen lamana maanguuriyeen.”
Maj. Nelson Ahebwa, waa askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM kana tirsan qeybta militariga rayidka ee CIMIC ayaa wuxuu ka mid yahay shakhsiyaadka soo hindisay mashruucan tijaabada ah.
Qeybta Militariga Rayidka ee AMISOM ayaa bilowday hindisaha, Ahebwa wuxuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko hawshooda oo mira dhaleysa iyadoo si baaxad leh ay Soomaali badan ilmahooda iyo nafsadoodaba isaga diiwaangelinayaan fasalada iskuulka. “Maanta waa maalintii iigu farxadda badneyd intaan noolaa,” ayuu yiri Ahebwa, isagoo mashaariic tan la mid ah ka bilaabay qeybaha kale ee magaalada Muqdisho.
“Markii ugu horeysay ee aan la kulmay odayaasha xaafada bishii hore, waxay badankoodu ahaayeen kuwa shaki ka qaba mashruuca inkastoo ay dhinaca kalena u muuqdeen kuwa aad ugu baahan barnaamijkan. Muddo hal bil gudaheed ardaydu waxay kor uga kaceen 10 iyagoo gaaray 100. Waxaan qalqaalo u geli doonnaa inaan taageero ka helno hey’addaha deeqaha bixiya sida UNICEF si ay u caawiyaan ardayda iyo iskuulkaba.”
Xigasho:AMISOM